Deg-Deg-Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida itoobiya oo is casilay iyo Madaxweyne cusub oo la magacaabay.

0

Hornafrik-Maalmo ay socdeen rabshado dhimasho iyo dhaawac badan dhaliyay kadib , sacado kahor waxaa xilkii uu haya iska casilay madaxweynihi ismamaulka soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar , waxaana kulan deg deg ah oo ay yeesheen gudiga fulinta mamulkaasi ay madaxwyene si kmg ah ugu doorteen Axmed Abdi Maxamed oo xubin ka ah baaralamanka ismamulkasi , horey u soo noqday wasiir iyo madaxwyene kux igeen sida uu cawa idaacada Kulmiye ugu sheegay wasiirka warfafainta ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Idiris Ismaaciil cabdi.

Wasiirka oo aan weeydiyay xlada madaxwyenihi is casilay ee cabdi maxamud ayaa ii inoo sheegay inuu wanagsan yahay kuna suganyhay jig jiga

cabsi badan ayaa ka jirta Jigjiga  waayo dadka waxay kuu sheegayaan in laga baqayo awood militari oo lagu maquuninayo xilkana looga qaadayo Madaxweynaha ismaamulkaasi Cabdi Maxamuud  Cumar.

Saacidihi la soo dhaafay waa xalay ilaa saakay dad badan ayaa lagu dilay , dadka qaar waxay kuu sheegayaan in Oromo ay geysanayaan dilkaasi balse kuwo kale ayaa kuu sheegaya in aysan oromo joogin magaalada dilalkana ay geysanayaan ciidamda gudaha u galay ee dowlada itoobiya iyo liyu boolis ee horey ugu sugnaa.

Waxaa sidoo kale lagu waramayaa  in Cabdi Maxamuud Cumar oo weli yahay madaxa xisbiga ka arrimiyo dowlada deegaanka soomaalida ee Itoobiya.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.