Faah faahin qaraxi Caawa ka dhacay wadada Shaqaalaha ee Muqdisho.

0

Hornafrik-Qaraxi Fiidki Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ku dhintay inta la xaqiijiyay afar qof halka ay ku dhaawacme-qof en dad gaaraya toban qof.

qaraxa waxaa uu ka dhashay gari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo la dhigay iridka hore ee Maqaayadda Somali-Cafeteria kana soo horjeeda Maqaayadda Baar Italia.

dadka goobta ku sugnaa oo aha kuwo aad u badan ayaa inta badan ka badbaday qaraxa kadib markii ay yara shakiyeen inyar un ka hor qarax dhicistiisa .

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyed Gen Bashiir iyo masuuliyiin kale ayaa goobta gaaray inyar un kadib qaraxa waxaana afhayenka Gobolka Banaadir oo saxaafadda la hadlay uu sheegay in afar ruux ku dhinteen , kana taciyeynayaan dadki dhintay.

Dr.Cabdulqadir madaxda hey’adda Amin Ambulance oo warbaahinta qaar la hadlay ayaa sheegay in ay qaadeen dhaawacyada ilaa 9-qof iyo meydka 2-qof oo dhamaan qaraxi caawa ku dhintay kuna dhawacmay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.