Dowladda oo sheegtay in la dilay raggi dilay Maxamed Shiikh Cali!

0

Hornafrik-wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geele oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la dilay raggi ka danbeeyay ama geystay dilkii Khamiisti loo geystay Maxamed Shiikh Cali oo kamid ahaa haldoorka dhalinyarada Magaaladan.

Wasiirka ayaa sheegay in ragu ahaayeen kuwo ay maanta ciidamada amaanka ku dileen meel u dhaw sarta Seybiyano ee Muqdisho.

Sidoo kale waxaa uu wasiirka sheegay in gacanta lagu dhigay hubkii lagu dilay Maxamed.

Ciidamada amaanka ayaa maanta waxaa ay rag Shabaan ahaa ku dileen degmada Hodan.

Dibadbax maanta ka dhacay Muqdisho ayaa loogu baroor diiqay , Maxamed Shiikh Cali oo khamiisti lagu dilay meel u dhaw isgoyska Banaadir.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.