Xaaladihi ugu danbeeyay ee Magaalada Jigjiga

0

Hornafrik– magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta ay xaaladu tahay mid aan deganeyn , ciidamo milatari ah ayaa gudaha u galay magaalada kuwaasi oo ka amr qaata dowladda Itoobiya.

Xilli maanta ay xiisad ka jirto magaalada Jigjiga, waxaa isa soo taraya warar kala duwan oo kasoo baxaya halkaasi.

Warar aanan la xaqiijinin ayaa sheegaya in Kaniisadda ugu wayn magaalada Jigjiga dab la qabadsiiyay.

Sidoo kale wararka waxay sheegayaan in bangiyo la boobay halka hanti badan la bililiqaystay.

Warbaahinta Adis Standard ayaa barta Twitter-ka kusoo bandhigtay sawirro muujinaya ciidammada militariga oo saaran baaburta gaashaman oo ku sugan magaalada Jigjiga.

Waxay intaasi ku dartay in ciidammada ay gaareen caasimmada dowlad deegaanka kaddib markii ay guuldaraysteen isku dayo loogu yeerayay madaxweyne Cabdi Cumar Maxamud.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.