Kumuu ahaa Shaqsigi saameeynta lahaa ee shalay Muqdisho lagu dilay?

0

Hornafrik-Waxaa shalag oo khamiis ahayd magaalada Muqdisho lagu diley Maxamed Maxamuud Sheekh Cali oo ahaa nin dhalinyaro ah oo dib uga soo laabtey Muqdisho isla markaana la yimid Muqdisho fikrado cusub oo ganacsi, waxaana uu Muqdisho ku qaban jirey “Events Startup” oo lagu soo bandhigayo ganacsiyo kala duwan.

Ganacsadahan hal abuuraha ah ayaa koox hubeysan ku weerareen meel ku dhaw isgoyska Banaadir, waxaana dhaawac ahaan loo geeyey isbitaalka halkaas oo uu ku geeriyooday.

Ganacsade Maxamed ayaa Muqdisho ka hirgteliyey labandaayo casri ah oo dharka lagu dhaqo.

Raysalwasaare Kheyre ayaa ka hadley dhacdadan waxaana uu ku tilmaamey in ay tahay wax laga xumaado in Ubaxii dalka la dhameeyo.

“…Ilaahay ha u naxariisto wiilkii dhallinyarada ahaa ee Maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.
Haddii maalin walba qof qiimo leh la innaga dilo oo aan u aragno wax caadi ah waxaa dhammaanaya Ubixii dalka. Shacabka Soomaaliyeed iyo Laamaha amniga waxaan ugu baaqayaa inay ka wada shaqeeyaan sidaan u badbaadin lahayn Ubaxa iyo Mustaqbalka Ummada Soomaaliyeed…..”

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.