Sarkaal Boolis ah oo Muqdisho lagu dilay.

0

Hornafrik-Wararka naga soo gaaraya Degmada howlwadaag ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Dilka ayaa ka dhacay Suuqa Bakaaraha, gaar ahaan qeybta Khudaarta.

Sarkaalka la dilay ayaa laba xidigle ka tirsanaa saldhiga degmada Hodan laguna Magacaabi jiray Maalin waxaana toogtay koox ku hubeysan Bastoolado.

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay baxsadeen.

Saraakiisha Amniga ayaa gaaray goobta dilku ka dhacay.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.