Xog- Siduu ku yimid Safarka Madaxweynaha ee Eritrea.

0

Hornafrik-Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa noqday madaxweyne Soomaaliyeed kii ugu horeeyay ee isagoo xilka haya booqasho ku taga dalka Eritrea.

Eratiya waxay Itoobiya ka go’day sanadkii 1991-kii waxayna xuduud la wadaagtaa Jabuuti  IEthiopia , suudaan iyo badda cas,

Eritrea waxay kamid tahay dalalka deriska la ah Soomaaliya hase ahaatee Mudo badan ayaa lagu eedeynayaa in ay qeyb ka tahay dowladaha la sheego in ay hurinayaan dhibaatada dalka ka jirta.

Xubo ka soo horjeeday dowladihi soo maray dalka ayaa dhowr jeer ay siisay magan geliyo siyaasadeed , mana jirin xiriir toos ah oo kala dhaxeeyay dowladihii dalka soo maray.

Sababta ugu weyn ee is hortaagneyd xiriirka dowladaha Soomaaliya Eritrea ayaa la tilmaamaa in ay ahayd colaadi Eritrea kala dhaxeysay Ethiopia ee la soo afjaray.

Asias Afawerki,  Madaxweynaha mudada badan haya talada dalkaasi ayaa casuumaad rasmi ah waxaa uu u fidiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi oo maan taba halkaasi gaaray.

Caasumaadi uu Afwerki u fidiyay Farmaajo ayaa timid maalomo un kadib markii magaalada Dubai ku soo idlaaday Shir sadex geesood ahaa una dhaxeeyay Imaaraatka , Itoobiya iyo Eritrea oo aan si rasmi ah loo ogeyn waxa lagu saaray diiradda balse ay warar hoose sheegayaan in looga hadlay hormarinta dekadaha Eritrea.

Dad badan ayaa qaba in heshiiska dhex maray dowladaha Itoobiya iyo Eritrea uu meesha ka saarayo baahidi badneyd ee ay Itoobiya u qabtay dekadaha Soomaaliya iyo Jabaati.

Safarka madaxweyne Farmaajo ayaa sida ay baahisay dowladda Soomaaliya waxaa uu gogol xaar u noqonayaa xiriir diplomacy yadeed oo ay yeeshaan labada dowladood ee xarunsada Amsara iyo Muqdisho.

Xersi Daahir Imaan waa falanqeeye siyaasadada Gobolka waxaa uu aaminsanyahay in tilaabdan uu ka danbeeyo Ra’iisal wasaraaha is bedella la yimie ee Itoobiya Abiy Ahmed.

Sidaasi si lamid ah Prof Maxamed Cumar dalxa ayaa ku waramaya in ay muuqato ifafaalo ay siyaadad wanaagsan lugaha la galayaan wadamada Geeska Afrika , ayna tahay mid ay Itoobiya kaalin ku leedahay.

Waxaa isha lagu hayaa sadexda maalmood ee Maxamed Farmaajo madaxweynaha Soomaaliya uu jooga Asmara , waxa ay isla gaari doonaan dhigiisa Asisa Afwerki.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.