Akhriso+Sawir-Hogaamiyaal Daacish ah oo Muqdisho lagu maxkamadeyay!

0

Hornafrik--Mahad Maxamuud Cabdi Abuu yaasiin oo ka tirsan Daacish balse ay isku dhaceen Hogaamiyaha Daacish Cabdulqaadir Muumin islamarkana u tafaxeytay ii uu dhiso koox ka madax banan Daacish, safar dheerna u soo galay isaga oo yimid dalka Ruush oo dhalashadiisa uu heysto iyo Maxamed Daauud Dahir oo isna Daacish ka tirsan una qabilsanaa dhinaca Maaliyadda ayaa maanta ka soo hor muuqday Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana Maxkamadda la horgeeyay warqad cabasho ah oo Mahad Maxamuud Cabdi Abuu yaasiin uu qoray una gudbiyay hogaamiyaha Guud ee Daacish taas oo uu kaga cabanayo Cabdulqaadir Muumin,  Maxamed Daauud Dahir ayaa isagana waxaa la helay Accoun-nadi iyo Shirkadihi uu isticmaali jiray waana cadeymaha muujiyay in ay Daacish ka tirsan yihiin.

Xeer ilaaliye kuxigeenka maxkamadda ciidamada qalabka sida Dhame Muumin Xuseen Cabdullaahi ayaa dalbatay in dil toogasho ah lagu riddo eedeysanayaashaan,waxaana uu sheegay in Diinta Islaamka iyo Sharciga dalka ay dhigayaan in la toogto.

Gudoomiyaha Maxkamdda Darajada Koowade ee Ciidamada qalabka sida Gaashanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo Fadhiiga Maxkamadda ee maanta Soo xiray waxaa uu ku dhawaaqay in maxkamaddu go,aansoo saari doonto.

Khamiistii aan soo dhaafnay ayay aheyd markii Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ay xukun xabsi daa,in ah ku ridday Jamac Xuseen Xasan oo ka tirsanaa Daacish islamarkana laga soo qabtay Gobolka Shabellaha Hoose isaga oo Miino ku aasayay Barkoontarool oo ciidan degan yihiin kuna taalla inta u dhaxeyso Carbiska iyo Afgooye.

 

Daacish 1 (1)
Daacish 1 (1)

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.