Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ka shuray sugitaanka Amaanka , kuna dhaqaay magacyada sadex safiir oo aan la shaacin wadamada loo magacaabay.

0

Hornafrik-Ugu horreyn wasiirka amniga gudaha xukuummadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islaaw (Ducaale) ayaa golaha u soo ban-dhigay qaraar qeexaya in ciidamada ku howlan sugidda amniga caasimadda ay hoostagaan Booliiska, arrinkaan oo goluhu isla qaateen si loogu guuleesto hadafka guud ee ah in bulshadu ay hesho nabad-gelyad buuxda.

Goloha wasiirrada ayaa faray taliyaha Booliiska Soomaaliyeed in uu hawl geliyo Guutada ciidanka Booliska 14-ka Oktoobar si ay uga qayb qaataan sugidda amniga, iyada oo sidoo kale golohu uu wasaaradda maaliyadda ku war-geliyay in ay bixiso mushaarka iyo xuquuqda guutada 14-ka October.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuummadda federaalka Soomaaliya ayaa golaha wasiirada usoo jeediyay in Cabdullaahi Maxamed Odawaa, Maxamed Axmednuur Tarsan iyo Cabdirisaaq Axmed Sh. Maxamed Shoolle ay u ogolaadaan in ay qaban karaan xil safiirro, arintaas golohu uu cod aqlabiyad leh ku ansixiyay

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.