Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo xilka laga qaaday.

0

Hornafrik-Digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Xilkii Wasiirnimo laga qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Xukumada Soomaaliya Mudane C/raxmaan Daahir Cusmaan.

Wareegtadan kasoo baxday xafiiska Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in xilkaas uu sii heyn doono Wasiiru dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Mudane C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir.

Ku simaha Wasiirka ahna Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Aadan Isxaaq Ali ayaa Warbaahinta Qaranka ka akhriyey xilka qaadistaas.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.