Qaramada Midoobey oo wali isku dayeysa in la joojiyo colaada Sool.

0

Hornafrik-Madaxweynaha Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kula kulmay magaalada Garoowe Wakiilka Xoghayaha Guud ee  Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michael Keating.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiiro ka tirsan maamul goboleedka Puntland iyo saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in soo dhaweyn ka dib ay labada dhinac isla soo qaadeen xaalada deegaanka Tukaraq oo ay ku dagaalameen Maamulada Puntland iyo Soomaaliland.

“Waxaan maanta halkaan ku qaabilnay Danjire Michael Keating oo ah wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Soomaaliya u qaabilsan oo runtii aan si dhow u wada shaqeenayney mudo sadex sano ku dhow,waxan isala soo qaadnay ka hadalka xiisada colaadeed ee deegaanka Tukaraq.”ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Dhinaca kale Ergayga Qaramada Midoobey u fadhiya Soomaaliya Michael Keating ayaa shir la qaatey qaar kamid ah Isimada Puntland. Keating ayaa Isimada iyo odoyaasha dhaqanka kala hadley sidii xal loo demin lahaa colaada u dhexeysa Puntland iyo Somaliland.

Isimada ayaa Keating la wadaagey khibradda iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin arrimahan oo kale iyo sidii la isaga kaashaan lahaa nabadda Soomaaliya.

Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Keating ayaa wada dadaalo uu ku doonayo inuu ku xaliyo khilaafka u dhexeeya maamulada Somaliland iyo Puntland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.