Diyaarado waraaqo digniin ah ku daadiyay …

0

Hornafrik-Diyaarado ayaa hawada sare kasoo daadiyay Warqado digniin ah oo ku socda dadka dhacab ka ah ee deggan Deegaanadda Basra iyo Baqdaad ee Shabeelaha dhexe oo u dhow halka ay isaga darsamaan labadda shabeelle, sidaas waxaa Radio Kulmiye u shegay Dadka deegaanka.

Warqadaha digniinta ah waxaa ku qoran in Dadka ay isaga baxaan deegnadda lagu daadiyay oo Al-shabaab ay maamulaan, waxaa sidoo kale ku xusan in halkaas howlgal uu dhawaan ka bilaaban doono.

Goobjooge diiday in aan magaciisa Adegsanno ayaa sheegay in diyaarado Dagaal ay saaka Saladdii subax Warqado kusoo daadiyeen deegaano xiga dhinaca Degmadda Afgooye ayna wadeen illaa Deegaanka Basra.

Waxaa uu sheegay in diyaaraduhu ay jawi hoose ku duulayeen, Dadkuna ay bilaabeen in ay Bara kacaan.

Warqadaha waxa ku sawiran haween iyo caruur.

Lama oga cidda warqadaha daadisay, hase haatee dhacdadaan ayaa waxa ay imaaneeysaaiyadoo xalay gobolka Shabelaha dhexe lagu duqeeyay Al-shabaab

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.