Ciidamada Puntland oo u baxay Af-urur oo Shabaab heystaan.!

0

Hornafrik-Ciidamada Xooga ee maamulka Puntland oo wata hub culus iyo Gaadiid dagaal ayaa saakay ku sii jeeda deegaanka Af-urur oo u dhow buuraha Galgala ee gobolka Bari.

Wararka Saakay ka imaanaya magaalada Garowe ee Xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in Ciidamo badan oo hubeysan ay u ruqaansadeen dhanka iyo deegaanka Af-urur, iyadoona halkaasi maanta laga dareemayo dhaq dhaqaaq Ciidan oo xoogan.

Deegaanka Af-urur ayaa dhawaan waxaa faarujiyay Ciidamadii Puntland ee halkaas fadhiisimaha ku lahaa, waxaana si fudud ula wareegay gacan ku hayntiisa deegaanka Af-urur dagaalamayaasha Al-shabaab oo hadda ku sugan.

Saraakiisha Ciidamadii Puntland ee hogaaminayay Ciidamadii fadhiisimahaas faarujiyay ayaa sheegay in ay ugu baxeen xeelad Ciidan balse aysan ugu bixin cabsi kaga timid dhanka Al-shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha hor kacaya Ciidamada maanta ku siijeeda deegaanka Af-urur ayaanan faafaahin ka bixinin halka uu yahay u jeedkooda, balse wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in deegaankaas maanta laga dareemayo dhaq dhaqaaq Ciidan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.