Weerar qaraxyo ku bilowday oo lagu qaaday Sanguuni!

0

Hornafrik-Deegaanka Baar-sanguuni oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ayaa aroortii hore ee saakay Saldhig Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin waxaa weerar qaraxyo ku biloowday ku qaaday dagaalamayaasha Alshabab.

Ilaa iyo hadda lama oga dhimashada iyo dhaawaca weerarkaas ka dhashay ee kala gaaray labada dhinac.

Afhayeenka howlgalada ee Alshabab Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay in 27 Askari oo Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ka tirsanaa lagu dilay weerarka saaka ka dhacay duleedka Kismaayo.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga ee Baarsanguuni oo aan la xirirnay ayaa iyagu beeniyay warka Afhayeenka howlgalada Alshabab.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.