Saraakiisha Ciidamada Xooga oo sheegay in ay bur buriyeen Saldhigyo Al-shabaab ay ku diyaarin jireen waxyaabaha Qarxa

0

Hornafrik-Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka ayaa waxaa ay howlgalo ka bilaabeen Degaano ka tirsan gobalka Shabeelaha Hoose oo qeybo ka mid ah ay maamulaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Taliyaha qeybta 12April ee ciidanka xoogga dalka G/sare Maxamed Maxamuud Guutaale oo la hadlay Idaacadda  Ciidamada Qalabka sida u sheegay in howlgalkaan uu bilawday islamarkaasine la gaaray xiligii Al-shabaab laga saari lahaa guud ahaan gobolada dalka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Taliyaha  in ciidamada xoogga dalka ay degaano hoose taga gobalka  Shabellaha Hose lagu bur buriyay saldhigyo Al-shabaab ay ku diyaari jireen walxaha qaraxa isagoona xusay in gacanta lagu haayo dadkii diyaarinayay walxaha qaraxa.

Bilihii u dambeeyay, Ciidamada federaalka oo kaashanaya ciidamo Maraykan ah waxay labanlaabeen howlgalada iyo duqaymaha cirka ee lala beegsanayo saldhigyadda iyo Madaxda ururka Alshabaab ee koofurta Soomaaliya, iyadoo ururkana laga dilay saraakiil sarsare.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.