Shabaab oo caruur ay dagaalka u adeegsadaan loo balanqaaday!

0

Hornafrik-Ma ahan wax sahlan in qoysas Soomalaiyeed lagu war geliyo  heshiis nabadeed in lagu qaatay xoog ku dagaal gelinta Caruur ay dhaleen.

Qaar kamdiah odayaasha dhaqanka ee koonfurta Mudug ayaa Malmihi u danbeeyay shir la lahaa Al-shabaab ,

Kulanka labada dhinac waxaa uu yimid kadib markii maalmo badan dagaal qaraar uu shacabka deeganada caad iyo caamara dhexmaray , sababtuna ahayd caruur ay shabaab u baahanyihiin.

Dadka oo awoodi wayay in ay iska celiyaan shabaab ayaa sababtay in odayaasha qaar ay galaan wadahal dagaalka shabaab lagu joojinayo.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in shalay oo jimco ahayd soo idlaay kulamo maalmo qaatay oo u dhaxeeyay odiyasha deganada dhaca Koonfurta Mudug iyo Al-shabaab kana socday tuulo hoostagta degmada xarardheere ee Mudug.

Odayaasha ayaa balanqaaday in ay dadka deegaanka ka soo aruurinayaan caruurta Shabaab u baahanyihiin waxaana tirada ugu horeysa ee muddo kooban gudaeed ku balanaadeen ay tahay 45-caruur ah.

Sidoo kale Shabaab ayaa la tilmaamayaa in ay balanqaadeen nag dhaw in ay ka bixiyaan qaar akmdi ah dadki  ay ku dileen dagaalki ay shacabka kula galeen deeganada Caad iyo camaara.

Dadka ku nool deeganada Caad , Camaara Ceel Cabdi iyo kuwo kale ayaa dhaaman qaba walaac horleh oo ku aadan caruyrta shabaab loo balanqaaday.

Waa mid ay huri waayeen , waayo garab laguma siin dagaalka ay galen , qaarkood oo badaa waxay bilaabeen in ay si dhuulmaaeysi ah uga so qaxaan deganadaasi.

 

 

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.