Wadooyinka Muqdisho oo la furayo ,iyo dib u …

0

Hornafrik-Guddiga Amniga Qaranka oo xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray awaamiir ku aadan amniga caasimadda iyo Dekedda Muqdisho.

Madaxweynaha J.F.S Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isugu yeeray guddiga Amniga Qaranka, si looga jawaabo cabashooyin ka yimid shacabka caasimadda, dood dheer oo ay yeesheen guddiga ka dib waxa ay soo saareen qodobbada soo socda.

Guddiga waxa uu falanqeyn iyo doodo ka dib boggaadiyay in ciidammada amniga sida ay uga dhaqsiyaha badan ay uga jawaabaan ficillada argagixisada, isla markaana ay u hor joogsadeen nabad-diidka oo doonayo in ay shacabka masaakiinta ah u geystaan dhibaato.

Iyadoo si dhaqsi leh looga jawaab celinayo cabashada shacabka Guddiga Amniga Qaranka ayaa go’aamiyay in muddo 48 saacadood ah lagu furo waddooyinka xiran sida Soddonka, Maka Al-Mukarama, Afisyooni iyo kuwa kale ee la midka ah, ciidamada amniguna ay gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta iyo xasllinta nabadgelyada caasimadda.

Guddigu waxa ay ku amray Wasaaradaha, Maaliyadda, Gaadiidka, iyo maamulka gobolka Benaadir in ay dib u eegis ku sameeyaan hannaanka isticmaalka waddooyinka caasimadda,maadaama ay sii kordheen tirada Gaadiidka iyo Bajaajyada ee soo galeysa gobolka Benaadir.

Sidoo kale Guddiga ayaa isku raacay in xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha Maaliyadda, Dekadda, Amniga, iyo maamulka gobolka Benaadir la yimaadeen qorshe sida ugu dhaqsiyaha badan 24-saac ku shaqeyn karto Dekedda Muqdisho, tan oo ka jawaabeysa baahiyaha Ganacsi ee ay qabaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.