Ciidamado dad shacab ah dil iyo dhaawac ugu geystay Muqdisho.

0

Hornafrik-Wararka inaga soo gaaraya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir gaar ahaan Waaxda Wajeer ayaa sheegaya in Ciidanka NISA ee sida gaar ah u tababaran loona yaqaano Alpha Group ay halkaasi ku dileen qof shacab ah mid kalena dhaawaceen.

Dad-goobjoogayaal ah ayaa sheegay toogashadan ay ka dib markii gaari iska roge ahaa uu soo aaday kolonyo ay la socdeen ciidankan nabad sugida taasoo keentay in ciidanku ay shakiyaan, ayna rasaas ku furaan gaariga.

Waxaa ku geeriyooday halkaas qof shacab ahaa, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Ciidanka NISA ayaa intaasi kadib hakiyay socodkoodii, waxayna halkaasi ka qaadeen qofkii dhaawaca ahaa, iyagoo geeyay mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa marar badan sidan oo kale dilal u geystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan, mana jirto cid dib dambe wax iskaga weydiisa dhibaatada shacabka loo geysto.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.