Booliska Galmudug oo gacanta ku dhigay nin xaaskiisa dilay!

0

Hornafrik-Wararka ka imaanaya degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Booliiska maamulka Galmudug ay gacanta ku dhigeyn Nin Xaaskiisa ku dilay degmada Balanbale.

Taliyaha Ciidamada Booliiska ee degmada Balanbale ee maamulka Galmudug Cabdi Muuse Maxamed oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in Ninkaas Xaaskiisa dilay madaxa loogu jiray islamarkaana uu Xaaskiisa ku dhuftay ilaa iyo Sedax xabo oo Rasaas ah halkaasi oo ay ku dhimatay Haweeneydii uu qabay.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan Su`aalo ay weydiinayaan Ninka Xaaskiisa dilay iyo Qoyskiisaba.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.