Shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya oo maanta Brussels ka furmaya.

0

Hornafrik-Shir looga hadlaya arimaha Soomaaliya ayaa maanta ka furmaya magaalada Brussels ee Xarunta dalka Belgium-ka, halkaas oo ay joogaan wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Wuxuu shirkaasi caalamiga ah uu daba socda shirarkii horey uga dhacay London iyo Muqdisho oo lagu falanqeeyey amniga, siyaasadda, doorashooyinka, dhaqaalaha, arrimaha gargaarka  iyo horumarinta guud ee dalka, iyadoona Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku soo bandhigi doonto arrimihii ka qabsoomay shaqooyinkii horey loo qorsheeyey iyo dejinta qorshayaasha mustaqbal.

Inta uu socdo shirkan maanta ka furmaya magaalada Brussels ayaa waxaa sidoo kale jiri doono saddex shirar kale oo gooni gooni ah oo lagaga hadli doono maalgashiga, Barakacayaasha iyo kaalinta haweenku ay ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka, iyadoona ay ka soo qeyb-gali doonaan dhammaan dhinacyada ka shaqeeya hawlahan sida ganacsatada Soomaaliyeed, maalgashato caalami ah, hey’ado iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.