Madaxda Soomaalida oo isku dhaliilay Shirka Brusells.

0

Hornafrik-Magaalada Brusells ee dalka Biljimka waxaa maanta ka furmay shir loogu magacdaray madasha iskaashiga Soomaaliya islamarkaana daba socda shirki London lagu qabtay bishii May.

Waxaa shirka ka qeybgalaya madaxda dowlada Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada iyadoo sidoo kale midowga yurub ay ka joogaan xubno muhiim ah.

Bilowga shirka ayaa waxaa qaadacay in ay ka qeybgalaan wafdiga ka socda maamulka Jubbaland ee madaxweyne Axmed Madoobe horkacayo , waxaana ugu danbeyn wasiiro reer yurub ah oo dhageystay dhaliilaha uu qabo ay ku qanciyeen in shirka ay ku laabtaan kana qeybgalaan.

Madaxda hadashay shirka ayaa si qoto dheer uga hadlay xaalada dalka waxaana qaarkood waa kuwa maamul goboledyada ee ay dhalileen dowladda Soomaaliya.

Madaxweybaha koonfur Galbeed Shariif xasan shiikh Aadan ayaa qudbadiisa ku sheegay in laga gaabiyay dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa qudbadiisa qeyb kamid ah kaga hadlay dagaalka Tukeraq oo uu sheegay in lagu soo duulay iyaga.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa tilmaamay dhankisa in loo baahanayahu wadahadal iyo isfahan ah yeeshaan amdaxda dalka iyo kuwa maamul goboledyada , .

Gudoomiyaha gobalka Banaadir Craxmaan cumar cismaan Yariisow oo ka hadlay shirka ayaa xooga saaray in loo baahanyahay qorshe dib u celin ama deegaan loo sameyo nus malyan qof oo baraka ku ah Muqdisho.

Wasiirka arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa tilmaamay inuu jiro hornar la taaban karo oo dhanka amaanka iyo dhaqaalaha ah.

Waxaa xubnaha beesha caalamka ee shirka jogay aad ula yaabeen sida ay isu dhaliilayaan madaxda Soomaalida ee lagu martiqaaday madasha.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.