Xog-Siduu u dhacay weerarki shalay ee Muqdisho.

0

Xog-Siduu u dhacay weerarki shalay ee Muqdisho.

Waxaa faah faahino dheeraad ah ay ka soo baxayaan qaabkii uu shalay u dhacay weerarki fashilmay ee Shabaab la damacsanaayeen madaxtooyada Soomaaliya.

Dhamaan ragga weerarka geystay waxay ahaayeen kuwo xiran darees la sheegay in dhawaan la soo saaray looguja talo galag Cutub cusub oo kamid ah Milatariga Soomaaliya lana yiraahdo 14-ka October.

Waxay ahaayeen shan nin , sadex kamid ah ayaa la toogtay labo na waxaa ay wadeen gawaarida qaraxday.

Waxaa tuhun badan iyo su’aalo la iska weeydiinayaa sida ay ku soo gaareen Barta Koontarool ee Ceelaabta oo gaariga hore jiiray halka kan labaadna uu ku qarxay.

Wadooyinka ay soo mareen iyo degmooyinka ay mareen ayaa lagu wadaa baaritaan sida aay inoo sheegeen ilo lagu kalsoonyahay.

Sida ay Shabaab ku heleen fareeska ayaa waxaa ka soo baxaya warar hoose kuwaa oo sheegaya in Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay Dareeskaa ka qaadeen Muqdisho geeyeena Gobolka Gedo , gaar ahaan degmada Ceelwaaq , waxaana Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland oo hore u hadlay na uu sheegay in dareeska la geeyay Ceel waaq Shabaab u gacan galay.!

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.