Dad kabadan 50 ruux oo ku sumoobay G.Galgaduud.

0

Hornafrik-In kabadan 50 ruux ayaa ku sumoowday deegaanka Bali_hiile oo gobolka Galgaduud ka tirsan. Dadkaan ayaa la sheegay in ay joogeen meel uu ka jiray Alla bari, waxaana goordhaw halkaas u ambabaxay dhaqaatiir iyo kalakaaliyaal caafimaad oo kabaxay caasimada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb. Dhaqaariirta caafimaadka ee deegaanka ayaa soo warinaya in aan si dhab ah loo ogeen sababta keentay sumoobida waxaase loo badinayaa in ay cabeen caano sumeysan. 20 ka mid ah dadkaasi ayaa aad u liita waxaana shaqaalaha caafimaadku ay gurmad caafimaad oo dag dag ah ugu sameynayaan isla goobta.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.