Dowladda Norway oo aqoonsatay Passport-ka Soomaaliya , laguna aadi doono.

0

Hornafrik-Munaasabad manta ka dhacday Safaarada dalka Norway ee Nairobi kenya ayaa dowladaha Soomaaliya iyo Nowrway waxay ku kala saxiixdeen heshiis ku aadan aqoonsiga Passporka soomaaliga.

Dowladda Soomaaliya waxaa munaasabadda lagu aqoonsaday Passporka uga qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad wasiirka Amniga Maxamed Abukar Ducaale Islow iyo Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Koofi.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo munaasabaddan ka qeyb galay ayaa sheegay in dadaal dheer oo ay sammeysay dowladda Soomaaliya iyo shaqo adag oo ay qabatay Agaasinka Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay keentay in dowladda Norway ay aqoonsato baasaboorka. Isaga oo si gaar ah u bogaadiyay safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo sidoo kale kaalin mug leh ka qaadatay arrintaan.

Wasiirka Amniga Qaranka mudane Maxamed Abuukar Isloow oo munaasabadda ka qeyb galay ayaa u mahad celiyay dowladda Norway, isaga oo tilmaamay in aqoonsiga ka sokoow ay dowladda Norway dowlado kale la wadaagayso xogta ku saabsan baasaboorka Soomaaliya si ay u aqoonsadaan.

Agaasimaha Hey’adaa Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliya Maxamed Aaadan Kofi ayaa sheegay in safiirka Norway u fadhiya Kenya danjire Victor C. Rønneberg hal sano oo ay wada-shaqeynayeen dowladda Somaaliya kaddib ay ku qanceen hannaanka lagu bixiyo baasaboorka iyo tayadiisa.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii 2007-dii billowday daabacaadda baasaboor elektronig ah, kaas oo lagu beddelay baasaboorkii hore oo laga heli jiray suuqa. Wixii ka dambeeyay waqtigaas waxaa la sii adkaynayay hannaanka lagu bixiyo baasaboorka ayada oo sidoo kale ay sii badanayeen dowladaha aqoonsanaya ama oggolaanaya in ay dal ku-gal saaraan.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.