0

Hornafrik-Wasiirka wasaaradaa Gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumada Soomaalaiya  Maxamed Cabdullahi Salaad oomaar oo maanta warbaahinta kula hadlay Garoonka diyaadaha ee Muqdisho ayaa sheegay in ay sameeyeen guddi qoboro dhanka duulimaadyada ah kuwaasi oo dib u eegis iyo qiimeyn ku sameyndoona diraadaha ka shaqeeya garoomada dalka.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in diyaaradaha laga qiimeyn doono dhanka badqabka iyo kalsoonida lagu qabikaro in lagu aamino rakaabka , wuxuuna tilmaamay in diyaaradaha ay gudigaas sheegaan inaysan wanaagsaney shaqada laga joojin doono.

Wasiirka ma uusan shaacin qodobada shuruudaha hadii ay jiraan shuruudo cad oo la hordhigayo shirkadaha duulimaad ee ka shaqeeya garoomada diyaarada ee dalka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.