walaalaha is dila oo ku soo batay Muqdisho , iyo dhacdo maanta taagan.

0

Hornafrik-Sida ay Sheegayaan Wararaka Waxaa xalay wiil walaalkiisa uu tooray ku dilay Waaxda Xaawo taako gaar ahaan suuqa bakaaraha ee degmada howl-wadaag ee gobalka Banaadir,kadib markii ay murmeen.

Dadka degaanka ayaa Sheegay in Dadka degan xaafada ay arintam la yaab ku noqotay.

Hasa ahaatee labada wiil ayaa waxaa la sheegay in ay wada dhasheen,islamarkaana midka wax dilay uu dhawaan ka yimid dalka dibadiisa.

Gudoomiyaha Waaxda Xaawo Taako ee degmada howl-wadaag oo falkan ka dhacay ayaa Hornafrik  u sharaxay sida ay wax u dhaceen.

arinkaan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa Xili mudooyinkii ugu dambeeyay magaalada muqdisho ay ku soo bateen dilalka sidan oo kale ay isku geystaan dadka wada dhashay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.