Saraakiil xabsiga loo dhigay qaraxyadi iyo weeraradi Sabtigi.

0

Hornafrik-Warar soo baxay ayaa waxaa ay sheegayaan in ilaa iyo 14-kamid ah saraakiisha Amniga Soomaaliya loo xiray.

Xariga saraakiisha ayaa waxaa amray madaxda sare sida ay inoo sheegeen ilo lagu kalsoonyahya.

Waxay saraakiishu taliyaal Boolis iyo Nabad Sugid ka ahaayeen wadooynka ee soo gala Xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Ototo , waxaana lagu tuhusanyahay in ay fududeeyeen weerarki dhacay.

Waxaa ku socda baaritaano si loo ogaado in ay ku lug lahaayeen weerarki dhacay. Ayuu yiri sarkaal diiday in aan magaciisa Warbaahinta u adeegsano.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.