Muddo kadib maxaa keenay in qaraxyo iyo weeraro toos ah ay ka dhacaan Muqdisho?.

0

Muddo kadib maxaa keenay in qaraxyo iyo weeraro toos ah ay ka dhacaan Muqdisho?.

Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya ay tahay haka ay deganyihiin madaxda ugu sareysa dalka , waa xaruntii dalka oo dhan looga ariminayay , waxaa degan safaaradaha wadamada caalamka ee xiriirka la leh Soomaaliya , waxaa ay tahay halka la siiyo muhiimada ugu horeeysa ee amaan hadaba maxaa keenay in qaraxyo iyo weerar toos ah lagu qaado meel u dhaw madaxtooyada Soomaaliya ayna deganyihiin Wasaarado Muhiim ah oo xukuumadda kamid ah?

Dad badan oo arimaha amaanka ku xeel dheer waxaa ay sheegayaan in marwaliba ay tahay in laga digtoonaado Qatarta Argegixisada hadana loo baahanyahay in la sameeyo qorshe fog oo amaanka magaalada lagu sii adkeynayo.

In dowladda aaney weerar ku qaadin meelaha Muqdisho ugu dhaw ee Al-Shabaab joogaan ayaa loo arkaa in ay fursad u siisay soo abaabulidda weerar ceynkaan ah.

Sidoo kale dhowr jeer ayaa qaraxyo miino iyo weeraro jidgal ah ka dhaceen Wadada xiriirsa Muqdisho iyo Jowhar iyo tan Afgooye iyo Muqdisho , taasi oo loo baahnaa in aad loo adkeeyo.

Ugu danbeyn waxaa la sheegayaa in Muqdisho amnigeedu hagaagi karo hadii labada Shabeele laga sifooyo Shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.