Midowga Yurub io si kulul uga hadlay Xaaladda Soomaaliya.

0

Hornafrik-Midowga Yurub ayaa dowladda Soomaaliya waxaa uu ku eedeeyay in  ay ku xadgudubtay xuquuqda Aadanaha,islamarkaana dowladda Soomaaliya intii ay jirtay ay geysatay Xadgudubyo badan oo ka dhan ah Xuuquuqda Aadanaha.

Kulan yeesheen Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa lagu meelmariyay Qaraar ka hadlaya in dowladda Soomaaliya ay hareer martay Hanaanka Ilaalinta Xuquuqda Aadanaha,islaamrakana ay jiraan Xadgudubyo loo geystay dad Shacab ah.

Baarlamaanka Midowga Yurub waxa ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ka gaartay heerkii ugu hooseeyay Xoriyatul Qowlka, Waxaana Baarlamaanku sheegay in ay jirto Caburin lagu haayo Wariyeyaasha Soomaaliyeed.

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay ilaaliso Xuquuqda Aadanaha,islamarkaana hadii ay dhici weyso ay ka fiirsan doonaan taageeradda la siiyo Soomaaliya,iyagoo si deg deg ah ugu baaqay in la saxo qaladaadka jira.

Sidoo kale Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa ku eedeeyay maamul goboleedyadda in ay geysteen Bilihii lasoo dhaafay Xadgudubyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha oo ay ugu horreyso Caburinta Wariyaasha.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.