Xog- Xaguu ku danbeeyaa wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya?

0

Hornafrik-Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa mudooyinkaan danbe si toos ah u wadin shaqada wasaaradda taasi oo dhalisay shaki ku aadan inuu jiro khilaaf.

Wasiir Cawad ayaanan aadin safaro badan oo ay ahayd inuu isaga aado , waxaana ugu danbeeyay shirkii wasiirada arimaha dibadda midowga Afrika oo ka qabsookay dalka Marotania kana horeeyay shir madaxeedka midowga oo haatan halkaasi ka soconaya ,waxaana booska wasiirka ku matalay wasiiru dowlaha arimaha dibadda Soomaaliya.

Waxaa kale oo jira inuusan wasiirka arimaha dibadda madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre u raacin safaro ay shaqadiisu ahayd kana mid yihiin kii uu madaxweynaha ku tagay Itoobiya iyo safarkii Ra’iisal wasaare Kheyre uu Ruwanda ku gaaray.

Axmed Ciise Cawad ma uusan muuqan amaba kama qeyb qaadan soo dhaweyn Muqdisho loogu sameeyay todobaadyo kahor Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Ilo madax banaan ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf u dhaxeeya wasiirka koowaad ee xukuumada iyo wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale warar ayaa sheegaya inuu Wasiir Cawad gudbiyay is casilaad balse aan laga aqbalin.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.