Madaafiic lagu garaacay xaafad kamid ah Muqdisho.

0

Hornafrik-Dhowr Hoobiye ayaa lagu Garaacay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir Wararka ayaa sheegaya in Madaafiicda lagu garaacay xarunta Xalane oo ah fadhiga ugu weyn ee Ciidamada AMISOM ay Muqdisho ku leeyihiin.

Hoobiyeyaasha ku dhacay degmada Wadajir oo tiro ahaan la sheegay in ay ahaayeen 7 ayaa midkood waxaa uu ku dhacay Guri ku yaalla Xaafadda Xalane.

Inta la xaqiijiyay dadkii Guriga Joogay 2 ka mid ahaa ayaa dhintay 3 waa dhaawac.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.