Xiisad dil ka dhalatay oo ka taagan Baydhabo.

0

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maalmahaan ka taagan xiisad ka dhalatay dil loo geystay nin dhalinyaro ah , taasi oo haatan mareysa meel aad u xun.

Todobaad kahor ayaa xilli habeen ah waxaa ay ciidamda amaanka magaalada Baydhaba toogteen nin dhalinyaro ahaa oo la sheegay in ay uga shakiyeen Shabaab , waxaana ehelada ninka la dilay ay kiciyeen xiisad ku aadan ninka laga dilay.

Ninka la dilay eheladiisa ayaa ku doodag in wiilkooda uusan Shabaab ahayn si ula kac ahna loo dilay ayna dagaalami doonaan hadii aan loo dilin askarigii dilka geystay.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa galay qaboojinta xiisadda waana ay ku hungoobeen sida ay Hornafrik u sheegeen dad xog ogaal ah.

Waxaa magaalada ka jirta cabsi laga qabo inuu qarxo dagaal beeleed hadii aaney maamulka ku guuleysan in ay xal gaaraan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.