Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay shil gaari oo ka dhacay ..

0

Hornafrik-Hal qof ayaa dhintay Afar kalana dhaawac ayaa gaaray ka dib markii deegaanka Maray-suuley oo ku yaalla Xadka Gobolada Shabellaha dhexe Iyo Galgaduud uu ku rogmaday Gaari Xamuul ah.

Gaariga ayaa ka baxay magaalada Muqdisho waxaana uu ku sii jeeday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Afarta qof ee dhaawaca ah oo 3 ay rag yihiin midna uu dumar yahay ayaa la sheegayaa in midkood Xaaladiisa Caafimaad ay aad halis u tahay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.