Madaxweynaha Jubbaland oo isku shaandheyn ku sameynaya Wasiiradiisa.!

0

Hornafrik-waxaa warar soo baxaya sheegayan in madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu isbadal ku sameynayo qaar ka mid ah golihii wasiirada ee Maamulkaasi,iyadoona ay jiraan in Wasiiro qaar xilka laga qaadayo.

Xubnaha laga cabsi qabo inay xilkooda waayaan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta,Wasiirka haweenka Iyo Xuquul insaanka,wasiirka Amniga ee Maamulka Jubbaland iyo kuwo kale.

Balse warar kale ayaa sheegaya in wasiirka dastuurka Jubbaland adam aw xersi oo ay saaxiibo dhaw yihiin Madaxawynaha Jubaland loo wado wasiirka arimaha gudaha maamulkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon karo oo ka tirsan Xafiiska Madaxtooyada Jubbaland ayaa KNN u sheegay in Axmed Madoobe uu qorshan waday Maalmihii ugu dambeeyay,isagoona kulamo kala duwan la qaadanayay odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda degaanada jubbaland.

Sidoo kale culeysyo ayaa waxaa axmed madoobe ay ka wajahayaan siyaasiyin badan oo ka soo jeeda deegaanada maamulkaasi.

Qaar kood ayaa dibadda iyo gudaha ka wada olole looga soo horjeedo maamulkiisa looguna diyaar garoobayo doorahshada Jubaland.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaalaga dareemayaa xil ka qaadista iyo isbadalka uu sameynayo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.