Koox hubeysan oo xalay weeraray Saldhigga Booliska Laasa caanood.

0

Hornafrik-Wararka laga helayo Magaalada Laasa Caanood ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in xalay weerar lagu qaaday Saldhig Boolis oo ku yaalla Magaalada.

Weerarka oo xalay saqdii dhexe ayaa la sheegayaa in dadk degaanka ay ku kaceen Rasaas laga maqlayay.

Warbaahinta Maamulka Puntland ayaa qoraya in Ciidamo taabacsan Maamulka Puntland ay weerarkaas geysteen.

Dhowr Habeen ka hor maamulka Puntland ayaa sheegtay weerar lagu qaaday labo saldhig Boolis oo Magaalada ku yaalla.

Waxaa ay Puntland sheegatay in ay Maxaabiis badan ka sii deysay Xabsiyada Laasa Caanood.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.