Madaxda Galmudug oo lagu dhax dhaxaadinayo Muqdisho.

0

Hornafrik-Magaalada Muqdisho ayaa dhawaan waxaa soo gaaray madaxda ugu sareysa maamulka Galmudug kuwaas uu ka dhaxeeyo khilaaf ka dhashay isku dhafka maamulka Galmudug iyo Ahlusuna.

Madaxda ugu sareysa ee Galmudug ee wadahadalka uu ugu furmay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweyne ku xigeenka iyo xubno kale.

Kulama lagu doonayo in xal looga gaaro khilaafkaasi ayaa waxaa garwadeen ka ah waxgarad ka soo jeeda deegaanada Galmudug, dowlada Dhexe iyo xubno ka socda beesha caalamka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa doonaya in aan dib looga laabanin Isku darka Galmudug iyo Ahlusuna, halka dhinaca kalane Mdaxweyne Xaaf ay ku dhaliileyn in uu doonayo in waqti dheeri ah uu ku darsado muddada uu haynayo xilka madaxtinimo Galmudug.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.