Faah Faahin Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo ka badbaaday isku day dil.

0

Hornafrik-Warbaahinta Itoobiya ayaa sheegtay in Abiy Ahmed Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu ka badbaaday Qarax loo adeegsaday Muraayaddo kaasoo ka dhacay goob ay isugu yimaadeen kumanaan ka mid ah Shacabka Itoobiya oo uu Khudbad ka jeedinaayay.

Abiy Ahmed ayaa hadal u jeediyay dad gaaraya malaayiin qof oo isugu soo baxay is bedelka siyaasadeed ee uu wada Ra’iisal wasaaraha cusub.

Qaraxa marka uu dhacayay ayaa waxaa hadalka dhameeyay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyadoo durba goobta laga saaray.

 

Waxaa la sheegayaa in dad gaaraya boqol qof ay ku dhinteen qaraxa tiro kale na ay ku dhaawacmeen.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.