Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay Jubbooyinka.

0

Hornafrik-Ciidamada xoogga dalka soomaaliya oo taageero ka helayo ciidamo Maraynkan ah ayaa duleedka degaanka Araare ee Gobolka Jubbada Hoose waxay ku dileen horjoogihii  Al-shabaab u qaabilsanaa Jubboyinka.

Taliyaha Guutada 58 aad Ururka 11-aad, ee Ciidanka xoogga Dalka G/dhaxe; Cabdi yare oo wareysi siiyay Wakaalada SONNA ayaa sheegay in Sarkaalkan oo  Magaciisa lagu soo kobay Aruuriyoow uu ku dhuumaalaysanayay degaan ku dhow Araare.

Horjooge Aruuriyow ayaa u qaabbilsanaa Kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab inuu Lacagaha iyo Xoolaha si khasab ah ugu qaado Shacabka ku dhaqan degaannada Jubboyinka.

Sidoo kale Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobollada Jubbooyinka ayaa isla howl-galkaasi kooxda Al-shabaab uga furtay Saanad Ciidan iyo Hub u badan Qoryaha fudud.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.