taliyaal cusub oo loo magacaabay saldhigyada degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

0

Hornafrik-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Bashiir Cabdi Maxamed ayaa isbedel ku sameeyay qaar ka mid ah Taliyeyaasha Ciidanka Booliska ee ka hawlgalada saldhigyada Magaalada Muqdisho.

Gen. Bashiir ayaa saldhigayada qaar u magacaabay Taliyeyaal cusub, halka qaar kalena isku shaandheyn lagu sameeyay oo la isku bedelay, sida ku qoran warqad ka soo baxday xafiiska Taliyaha Ciidanka Booliska.

Taliyeyaashan la magacaabay ayaa waxaa ku jirta oo keliya hal Dumar ah, oo loo dhiibay saldhigga Booliska degmada Shangaani, waxaana lagu magacaabaa Raxma Salaad.

Magacyada Taliyeyaasha cusub iyo degmooyinka loo kala magacaabay ayaa waxa ay kala yihiin:-

1.Taliyaha cusub ee degmada Waaberi ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Xabad.

2.Taliyaha cusub ee degmada Shangaani ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Raxma Salaad.

3.Taliyaha cusub ee degmada Shibis ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Macalin Daahir.

4.Taliyaha cusub ee degmada Boondheere ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Saciid oo ahaa Taliyihii Booliska degmada Shangaani.

5.Taliyaha cusub ee degmada kaaraan ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Canjeex oo ahaa Taliyihii Booliska degmada Wartanabadda.

6.Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Xamar Jajab ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Jimcaale.

7.Taliyaha Booliska degmada C/casiis ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Axmed Baashane.

8.Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Xamar Weyne ayaa waxaa loo magacaabay Kabtan Maxamed.

Taliyeyaashan cusub ee loo magacaabay qaar ka tirsan saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir ayaa waxa ay u badan yihiin dhalinyaradii wax baratay ee ku biiray Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Waxaa kaloo jirta in maamulka gobolka Banaadir uu isbedel ku sameeyay qaar ka tirsan masuuliyiinta degmooyinka, iyada oo hawshan socota ay u muuqato in la fulinayo amarkii Ra’iisul Wasaare Khayre ee ahaa in uusan xilka sii heyn doonin masuulkii shaqadisa gudan waaya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.