Qarax Gaari oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

0

Hornafrik-Waxaa maanta Qarax Gaarigiisa loogu xiray qofkii watay uu ka dhacay degmada Hodan ee gobalka Banaadir waxaana la soo sheegayaa inuu jiro khasaare dhaawacyo ah oo ka dhashay.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka Xaaji Baasto ee degmada Hodan, una dhow Jidka Maka Al-Makarama, waxaana la sheegay in gaariga qarxay uu ahaa nuuca raaxada ah.

Wararka ayaa sheegaya in hal qof uu ku dhaawacmay oo ahaa ninkii gaariga waday, waxaana jira in qof kale uu ku dhaawacmay oo ka ag dhawaa.

qof ka kale ee dhaawacmay ayaa la sheegay in ay ahayd haweeneey

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.