Maamulka gobolka Banaadir oo burburiyay dhismayeyaal Sharci daro ahaa Gudaha Muqdisho.

0

Hornafrik-Ka dib markii dhawaan Gudodoomiyaha gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow uu amray in la baneeyo Garoonkii Kooxda Jeenyo ayaa maanta Maamulka Gobolka Banaadir waxa uu bur buriyey dhismaha Garoonkii Kubadda Cagta Jeenyo kaas oo la sheegay in si sharcidarro ah loo dhistay.

Waaxda Howlaha Guud ee gobolka Banaadir ayaa saaka cagta marisay dhismayeyaal ku yaallay halkaasi ka dib markii la sheegay in Sharci daro lagu dhisay.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa goob joog ahaa xilligii Burburinta lagu waday garoonka Jeenyo.

Duqa magaalada ayaa dadka kale ee wali degan dhismayaasha dhulka danta guud ugu baaqay in ay iskaga baxaan kahor inta aan xoog looga saarin lagana bur burin.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.