Askari ka tirsan ciidanka dowladda oo askari kale ku dilay Muqdisho.
Hornafrik-Isgoyska taleex ee degmada Hodan ayaa goordhaw waxaa askari katirsan Ciidanka Booliska uu ku dilay askari kale oo ka tirsanaa ciidanka Taraafikada ee ilaalada shuruucda wadooyinka.
Dilka ayaa yimid sida dad goobta ku sugnaa ay inoo sheegeen kadib muran dhex maray labada askari xilli ay wadau aad cariiri u ahayd.
Ciidamo kale oo ka titsan dowlada ayaa goobta durba gaaray waxaana ay qaadeen meydka askaeiga la dilay sidoo kale askarigi wax dilay ayaa ay xabsiga u ka xeeyeen.