Mudane Daahir Geelle ayaa hoosta ka xariiqay in arrinta ugu muhiimsan ay qeyb ka ahayd horumarinta dhaqaalaha oo maalgeshi laga sameysanayo labada dal,

“Dadka Soomaaliga ah waa dad fir fircoon  oo sameynaya kobac dhaqaale oo bariga Afrika ganacsiyo badan ku leh, lana siiyo fursado ay ku maalgashan karaan dalalka dariska ah, waxaana la isku afgartay in la sameeyo Dekado oo maalgeshi loo raadiyo, iyadoo loo marayo shirkadaha waa weyn iyo dowladaha ay iyagu maalgashan karaan, dekadaha waxaa bar bar socda jidad waa weyn oo laga hirgeliyo dekadaha, si badeecadaha lagu marsiiyo meelaha loogu talagalay.” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka, iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa xusay in dadlku ay is weydiinayaan sida looga gudbi karo coalad sooyaala ah,  waxaana uu Wasiirku hoosta ka xariiqay in heshiiska la galay uu macno weyn ugu fadhiyo shacabka labada dal, isla markaana ah wadiiqo looga gudbi karo wixii horey u dhacay.

Wasiirku waxa uu shaaca ka qaaday in Webiyada dalka ay biyaha nooga yimaadaan dhanka Ethiopia, inkasta oo ay jirto qawaaniin caalami ah, waxaana jiri doono guddiyo isku dhaf ah oo labada dhinac ah, kuwaasi oo ka shaqeyndoono hanaankii loo dhaqan gelin lahaa, lana horgeyn doono Baarlamaanka, isagoo xusay in tani ay tahay marxalad cusub oo labada dal u bilowday.

Wasiir Daahir Geelle ayaa xusay in Wasaaraddu ay gacan ka siin doonto suxufiyiinta waxkasta oo ay u baahanyihiin oo ay Wasaaraddu u fududeyn karto, isagoo xusay in Wasaaradda Warfaafinta ay ilaalineyso xoriyadda Saxaafadda.