Kenya oo Askar looga dilay qarax ka dhacay Wajeer.

0

Hornafrik-Qarax ka dhacay wajeer saacadihi la soo dhaafay aya Kenya lagu waramayaa in looga dilay Askar.

Ugu yaraan 8 askari ayaa qaraxan ku dhintay sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Kenya, waxaana la xaqiijiyey inay baxsadeen maleeshiyaadka weerarkan ka danbeeyey oo la tuhunsan yahay inay yihiin kooxda Al Shabaab.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay maalmo kadib markii weerarkale oo ka dhacay nawaaxiga Liboye lagu dilay lix askari oo kamid ah kuwa illaaliya xaduuda Kenya.

Kooxda Al Shabaab ayaa dhamaadkii sanadkii tagay xoojiyey weerarada ay ka geysaneyso xaduuda Kenya iyo dhulka Soomaalida degto.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.