Burcad Koofur Afrikaan ah oo dil iyo dhaawac u geystay Ganacsato Soomaaliyeed.

0

Hornafrik-Kooxo hubeysan oo Koofur Afrikaan ah ayaa dalka Koofur Afrika ku dilay mid ka mid Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku sugan halka mid kalane ay ku dhaawacmeen.

Burcadaan Koofur Afrikanka ah ayaa weerartay Ganacsatada Soomaaliyeed xili ay ku sugnaayeen afaafka hore ee goobtooda Ganacsi oo ku taala deegaan u dhow magaalada Cape Town.

Ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/laahi Maxamuud Maxamed sida Jaaliyada Soomaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi ay Idaacada Kulmiye u sheegeen halka midka la dhaawacayna lagu sheegay Maxamed Ismaaciil.

Burcadii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday iyadoona ciidamada Boolisska ee dalkaasi ay halkaasi ka bilaabeyn baaritaano ku aadan weerarkaasi lagu qaaday Qaar ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Koofur Afrika ku nool.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.