Ciid wanaagsan , Sidee maanta looga ciidayaa Muqdisho iyo Gobolada dalka?

0

Hornafrik- Maanta oo ay tahay maalin 1aad ee munaasabadda ciida soonfur ayaa waxaa si wanaagsan loga ciidayaana guud ahaan dalka Soomaaliya.

Muqdisho caasimadda dalka ayaa si weyn looga ciiday iyado shacabka malaayiinta ah ee ku nool magaalada ay ku ciidayaal xaaladaha kala duwan ee ay ku suganyihiin , waxaana shacab badan ay buux dhaafiyeen goobaha ay bulshada iskugu tagto oo aad arkeyso dad sawiro ku galaya.

wadoooyin qaar ee magaalada ah ayaa ah kuwo xiran hase ahaten shacabku kama aysan hor istaagin in ay ciideystaan oo waxaad arkeysaa kumanaan dad ah oo wadooyinka lugeysnaya.

cviidamada amaanka ayaa si heer sare ah u sugaya amniga waxaana taasi dadka uga hadleen siyaabo kala duwan.

qaar ayaa dowladda ku dhaliilay wadooyinka la xiray waxaase jira kuwo kale oo sheegaya in ay tahay sugitaanka amniga oo muhiim ah nolosha dadka ciideysanaya.

dhanka gobolada dalka ee leh waqooyi , bartamaha iyo konfurta intaba waxaa dadku ku ciideysanayaan si wanaagsan iyadoo magaalooyinka iyo degmooyinka laga oogay salaadada ciida oo mas’uuliyiin badan kaga qeybgaleen.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.