Senator katirsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya oo Fariin u dirtay Shacabka iyo laamaha Amniga.

0

Hornafrik-Senator Nuuro Faarax Jaamac oo ka tirsan Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalla Soomaaliya islamarkaana la hadashay idaacadda Kulmiye ee Magaaladda Muqdisho ayaa Hambalyo ku Aadan maalmaha Ciidda soonfur u dirtay dhamaan umadda Soomaaliyeed dal Iyo dibad meel kasta oo ay joogaan, waxaana ay Alle uga baryeysaa in Ciidaan Ciideeda kale Nabad Iyo Barwaaqo uu Alle ku gaarsiiyo.

Sidoo kale Senator Nuuro Shacabka Soomaaliyeed waxaa ay ka dalbatay in ay iscafiyaan Nabadda Iyo hormarka dalkana ay ka shaqeeyaan.

Laamaha Amaanka ayay ka codsatay in Shacabka ay wadooyinka u furaan maalmaha farxadda si markaasi shacabku ay u damaashaadaan.

Senator Nuuro ayaa bishii ramadaan Shacabka ka dalbatay in ay isku kaalmeyaan oo ay afuriyaan walaalahooda aan haysan wixi ay ku afuri lahayeen .

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.