Deg-deg-Ganacsatada oo laga mamnuucay keenista qalabka Caruurta qaar.

0

Hornafrik-Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxaa lagu mamnuucay in Ganacsatada ay  soo dejiyaan Qalabka ay Carruurta ku Ciyaaraan Maalmaha Ciida,kuwaas oo badan kood ah kuwo kas ameysan Bustoolado,Qoryo iyo Bambooyin intaba.

Wareegtada ayaa looga digay Ganacsatada in ay soo dejiyaan Qalabkaas,oo Wasaaradu sheegtay in ay yihiin kuwo dhibaato amni u keenaya dalka,isla markaana Carruuta oo horay ugu dhashay Wadan amnidarro ka jirto sii dhiiragelinaya.

Sidoo kale Ganacsatada ayaa loogu baaqay in Maalmaha Ciida kale ee soo socota in ay dalka keenaan Qalab kan ka duwan kaas oo Carruurta baraya waxyaabaha wanagsan

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.