Ku dhawaad 10 ruux oo ku dhintay wabiga Shabeele ee g.Sh/Hoose.

0

Hornafrik-Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 ruux xalay ay ku geeriyoodeen wabiga Shabeele ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Kuwaas oo gooni ay saarnaayeen kula qalibantay iyaga oo isaga kala gooshaya qaar ka mid ah deegaanada gobolkaasi.

Inta la xaqiijiyay 7 ruux ayaa geeriyootay sidoo kale waxaa halkaasi lagu waayay hanti saarneed doonta qalibatay.

Dadka deegaanka oo la hadlay Hornafrik ayaa sheegay in dadkaas doonta ay raacaan in ay ku kaliftay wadooyinka bariga oo cabsi xoogan ay ka muujinayaan in ay maraan.

Majiraan faafaahin intaas dhaafsiisan oo laga helayo doontaasi oo dadkii saarnaa ay ku dhinteen Wabiga Sh/Hoose.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.