Dowladda Soomaaliya oo Bank-ga Aduunka ka heshay in kabadan Boqol Milyan oo Dollar.

0

Hornafrik-Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukumadda Fedraalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo Wasaarada u qabsoomay bilihii dambe ee la soo dhaafay.

Wasiir Beyle ayaa ka warbixiyay guulo ay ka gaareen kulamo ay la qaateen Hay`adda lacagta aduunka ee IMF iyo dowlada kale ee Soomaaliya ka caawiya dhanka dhaqaalaha.

Waxaana uu sheegay in World Bank ay ka heleen dee lacageed oo gaareeysa Boqol Milyan oo Dollar.

Mr Beyle ayaa sidoo kale balan qaaday in ay la xisaabtami doonaan Safiirada dowlada Fedraalka ee u jooga dalal caalamka islamarkaana ay kala xisaabtami doonaan dhaqaalaha ay ka helaan dalalka ay joogaan halka ay ku bixiyaan.

Sidoo kale Wasiir Beyle ayaa soo hadal qaaday mushaar bixinta ciidamada dowlada wuxuuna tilmaamay in heer wanaagsan ay marayaan Mushaarsiinta ciidamada.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.